Wasiirka arimaha gudaha ee dalka Masar Magdy Abdel Ghaafar ayaa xafiiskiisa magaalada Qaahira ku qaabiley wasiirka amniga gudaha ee Soomaaliya iyagoo ka wada hadlay arimaha la dagaalanka falalka ka baxsan amniga sida ay soo warisay majalada Al-Ahram ee dalkaasi ka soo baxda.
Mudane C/rasaaq Cumar Maxamed, wasiirka amniga gudaha ayaa wasiirka arrimaha gudaha Masar u muujiyay sida laamaha amniga ee Soomaaliya ay ugu faa’ideysan karaan khibrada ay leeyihiin kuwa dalka Masar.
Labada dal ee Soomaaliya iyo Masar ayaa dagaal kula jira dhinacyo hubeysan oo ka soo horjeeda jiritaankooda iyo siyaasadda ay ku dhaqmayaan taasoo keentay in dad badani ay ku dhintaan, ku barakacaan iyo dhibaatooyin kalena ay reebaan dagaallada u dhaxeeya dhinacyadaasi.




From the comments