Gudoomiyaha gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan ah lagu furo suuqyada xaafadda Howlwadaag ee magaalada Baladweyne, kuwaasi oo ku xirmay dagaalladii dhawaan ka dhacay halkaasi.
Waxa uu sheegay in Labada beel laga doonayo inay aqbalaan in si nabadda horay loogu qaado in la furo suuqyada, shacabka u sheegeen in xaafadda ay kusoo laabatay jawi deggan.
Sidoo kale Daba-geed ayaa sheegay in xaafadda howlwadaag mamnuuc ay ka tahay in lagu dhex qaato hub aan ahayn midka ay wataan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee halkaasi ku sugan.




From the comments