Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa waxay sheegayaan in ay dib xurriyadoodii u heleen Labo ka mid ah shaqaalaha hay’ad maxalli ah oo ka howlgasha degmadaasi, taasi oo lagu magacaabo HIRDA, ka dib markii shalay laga qafaashay duleedka degmadaasi.
Shaqaalahaan oo Laba qof iyo darawalkooda uu ku jiray ayaa laga qafaashay tuulada Kormareey, waxaana la geeyay Tuulo lagu magacaabo Ilbeerto oo degmada baardheere u jirta 40-km, halkaasi oo Xarakada Al-shabaab ku leeyihiin fariisimo.
Wararka ayaa sheegaya in shaqaalahan markii la geeyay tuuladaasu hadane dib loo sii daayay, iyaga oo si nabad ah ugu laabtay degmada Baardheere.




From the comments