Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland Maxamuud Xasan Aw Cismaan ayaa ka hadlay qorshe lagu tababarayo gabdho ka mid noqda xeer ilaalinta Puntland markii ugu horaysay iyo xaalada guud ee xabsiyada Puntland.
Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay inay tababar u fureen 10 gabdhood oo bartay shareecada iyo qaanuunka oo ka qalin jabiyey jaamacadaha Puntland waxaana uu sheegay u jeedka ay gabdhahaan ugu tababarayaan xeer ilaalinta inay tahay sidii ay ugu qareemi lahaayeen haweenka tacadiyada loo gaysto,waxaana uu intaa ku daray in ay wax badan ka badali doonto u qareemid haweenka tacadiyada loo gaysto.
Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xasan Aw Cismaan ayaa dhankale ka hadlay xaalada xabsiyada Puntland waxaana uu sheegay inay aad u wanaagsan yihiin maxaabiista ku jirta xabsiyada waxaana uu intaa raaciyey in maxaabiista la baro xirfado ay ku shaqaystaan oo alaabta ay xabsiyada ku sameeyaan loo iibgeeyo suuqyada magaalooyinka.




From the comments