Faarax Sheekh Cismaan Cabdi oo ka mid ahaa xilibaanadii Baarlamaanka Koofur Galbeed ee la dhaariyay 28 bisha aan ku guda Jirno ayaa waxa uu si cad u shaaciyay in uu iska casilay jagada xildhibaannimada oo maalmo qura hayay.
Mudanahan ayaa sheegay in is casilaadiisa ay la xiriirto kadib markii beeshiisa aanay ku qancin saami qeybsiga xildhibaannada.
“Aniga oo ah Faarax Sheekh Cismaan Cabdi kana mid ah xildhibaannada baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed, waxaan halkaan ka cadeynayaa in maanta wixii ka dambeeya aan xilkaasi haynin oo iska casilay, kadib markii beesha aan kasoo jeedo ku qanci weysay saami qeybsiga baarlamaanka Koonfur Galbeed” ayuu yiri Faarax




From the comments