Cudurka Jadeecada oo ka dilaacay degmada Baardheere iyo Tuullooyinka hoos yimaada ayaa sameeyay carruur iyo dad kaloo da’ ah oo ku nool degmadaasi.
Dhaqaatiirta iyo howlwadeenada Caafimaadka ee ka howlgala xarumaha caafimaadka degmada Baardheere ayaa waxay sheegeen in Cudurka Jadeecada oo ka mid ah Lixda cudur ee dilaaga ah, uu ka dilaacay degmada Baardheere iyo qaar ka mid ah tuullooyinka hoos yimaada, kaa oo caruur badan ay la’il daran yihiin.
Cabdinaasir Abshir waa Madaxa MCHka Bisha Cas ee degmada Baardheere ,waxaana GOOBJOOG uu u xaqiijiyey in Cudurka jadeecada uu ka dilaacay degmada iyo qaar ka mid ah tuullooyinka hoos yimaada,isagoo sheegayna xaruntooda Caafimaadka iyo xarumaha kale ee ku yaala degmada maalin weliba ay soo gaaraan bukaano la liita Jdeecada.




From the comments