Maamulka degmada Xudur ee gobalka Bakool ayaa beeniyay in xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya loo diiday inay galaan degmada Ceelbarde ee gobalka Bakool, kuwaasi oo la sheegay in ay is hortaag kala kulmeen ciidamo Itoobiyaan ah.
Gudoomiyaha degmadaasi Maxamed Macallin oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in xildhibaanadaan aanay u dhaqaaqin dhanka degmada Ceelbarde, balse qorshahooda uu yahay, ayn been abuur trahay wararka sheegaya in lasoo.
Dhammaan degmooyinka uu ka kooban yahay gobalka Bakool ayuu sheegay inay tagi karaan xildhibaannadaan, islamarkaana aanay jiri karin cid is hortaag ku sameyn karta.




From the comments