Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa ugu horeen waxa uu sharaxaad ka bixiyay safar uu ku tagay dalalka Kenya iyo Itoobiya.
Waxa uu sheegay in shirar ay lasoo yeesheen madaxda dalalkaasi oo ay kala soo hadleen arrimo ku aadan amniga, iyo sidoo kale arrimaha madasha wadatashiga iyo hiigsiga 2016.
Dhammaan safaradaasi ayuu sheegay in uu guul kusoo dhamaadeen, waxaana uu tilmaamay in xilligaan ay diyaar garow ugu jiraan shirka la filayo in 10-ka bishaan uu ka furmo magaalada Kismaayo.




From the comments