Waxaa maanta si rasmi ah dib loogu furay Jaamacadda Gaarisa oo xirneyd tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii Al-shabaab ay halkaasi ku qaadeen muddo hadda laga joogo Sagaal Bilood, halkaasi oo ay arday badan ku dileen.
Maamulka Jaamacadda Gaarisa ayaa sheegay in dib loo billaabay howlihii jaamacadda islamarkaana Todobaadka soo socda ay sii toos ah u billaaban doonto waxbarashada ardayda.
Waxaa gudaha jaamacadaasi laga hirgeliyay Saldhig ay leeyihiin ciidamada Booliiska Kenya, waxaana sidoo kale halkaasi ka howlgalaya ciidamo badan oo loogu tala galay in ay sugaan amniga.




From the comments