Dowladda Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday in ay xiriirkii Diblomaasiyadeed u jartay dalka Iran kadib markii dhawaan dad carreysan ay weerar ku qaadaan safaaradda dowladda Sacuudiga ku lahayd dalka Iran.
War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Jabuuti ayaa lagu sheegay in ay jareen xiriirkii Diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeyay dowladda Iran.
Maxamuud Cali Yuusuf oo ah wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti oo qoraalkaasi kadib la hadlay qaar kamid ah warbaahinta ka howlgalka dalkaasi ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee xiriirka diblomaasiyadeed ugu jareen Iran tahay markii la gubay safaaradda Sacuudiga ee dalkaasi ku lahayd.




From the comments