Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ku hoyday magaalada Boosaaso ayaa maanta lagu wadaa inuu xariga ka jaro garoon diyaaradeed oo Boosaaso laga furayo.
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ka degay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, isagoo maanta si rasmi ah magaalada uga furi doona garoon diyaaradeed oo cusub oo caalami ah.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Boosaaso si diiran ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Gaas, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka, maamulka Puntland, iyo shacabka magaalada Boosaaso.




From the comments