Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda Iiraan ay falal amniga iyo xasiloonida Soomaaliya lagu carqaladeynayo faraha kula jirtey, sababtaasi awgeedna ay Dowladda Federaalka Soomaaliya xiriirka ugu jartey.
“Xukuumadda Iiraan oo ka faa’iideysaneysa marxaladda adag ee dalkeenu marayo ayaa waxay dooneysey inay fitno dhanka caqiiddada ah ku beerto dalkeena, taas oo dhibaato ku noqon karta nabadda iyo xasiloonida qaranka. Markaan dulqaad badan muujiney, isla markaana aan helnay caddeymo ku filan oo falalka ay faraha kula jireen la xiriira, ayaan goosaney inaan xiriirka u jarno si aan ugu turno dalka iyo shacabka u ooman nabadda’’, ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay wararka dacaayadaha ah ee sheegaya in sababta ay Soomaaliya xiriirka ugu jartey IIraan ay la xiriirto xurgufta siyaasadeed ee dhex taalla Boqortooyada Sacuudiga iyo xukuumadda Tehran.




From the comments