U bood dhigaalka

Guri Ku Gubtay Laanta Towfiiq iyo Khasaare Laga Sheegayo

Sheeko:Dalka

Warar hadda naga soo gaaray xaafadda Towfiiq ee degmada Yakhsiid ayaa sheegaya in guri ku yaalla laanta agteeda uu dab qabsaday.

Dabkan oo ka dhashay Gaas-ka cuntada lagu kariyo, waxaa la sheegayaa in uu ku faafay dhamaan guriga oo gudahiisa ay ku jireen labo caruur ah iyo haweeney.

Cunung yar ayaa halkaas ku dhaawacmay, waxaa kaloo guriga soo gaaray khasaare ba’an, gawaarida dab damiska ayaa iminka goobta gaaray.

Wixii warar ah kala soco: Goobjoog News