Maamulka Gobalada dhexe ee Ahlu-sunna Waljameeca fadhigooduna yahay degmada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud ayaa sheegay in aanay aqoonsaneen maamulka Galmudug Satate, islamarkaana aanay jirin cid ay wada hadal kula jiraan.
Cali Baashi Faarax oo ah madaxweyne ku xigeenka maamulkaan ay sameysteen Ahlu-sunna ayaa isaga oo u waramayay Barnaamijka Maxaa Lagu Heshiiyay ee Goobjoog News ayaa sheegay in la yaab ay ku noqotay markii ay maqleen in wada hadal ay kula jireen Galmudug.
“Wax aan la yaabno ayeey ahayd markii aan maqalnay in wada hadal aan kula jirno Galmudug, xitaa fariin qoraal iskumaan dirin ee iyaga ayaa laga rabaa inay cadeeyaan cidda la hadashay” ayuu yiri Cali Baashi.




From the comments