Goobjoog

Maamulka Banaadir oo Dadka Degan Tarabuunka u Qabtay 4 Cisho in ay uga Guuraan

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dadka Degan Tarbuunka mudo ku dhow afar cisho halkaas ay ugu baneeyeen si dib u dhis loogu sameeyo. Maamulka Gobolka ayaa sheegay in lagu…

Maamulka Banaadir oo Dadka Degan Tarabuunka u Qabtay 4 Cisho in ay uga Guuraan

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa  sheegay in dadka Degan  Tarbuunka mudo ku dhow afar cisho halkaas ay ugu baneeyeen si dib u dhis loogu sameeyo.

Maamulka Gobolka ayaa sheegay  in lagu soo koobay goobaha lagu  qalo  Xoolaha labo meel oo keliya oo kala ah  wada jir yo Cabdicasiis halkaas oo ay ku yaalaan labo kawaan

Gudoomiye ku xigeenka Siyaasada Maamulka Gobolka  Maxamed Axmed Diiriye  ayaa sheegay   in talaabooyinkan ay u qaadeen wax ka qabashada bilicda  Gobolka Banaadir

Waxa  uu xusay Maxamed Diiriye  in  Maamulka Gobolka Banaadir  sida ugu dhaqsiyaha badan  u   faarujin  doono Tarbuunka oo bur bur uu ka soo gaaray dagaaladii dalka ka dhacay

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments