Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaw waxa uu gaaray magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, halkaasi oo lagu soo dhaweeyay.
Madaxweynaha ayaa furi doona shirka madasha wadatashiga qaran ee looga hadlayo nooca doorasho ee dalk ka dhici karta sanadkaan 2016.
Kismaayo waxaa kusii sugnaa dhammaan madaxweynayaasha maamul gobaleedyada dalka, Gudoomiye Jawaari, Ra’iisul wasaare Cumar, guud ahaan xubnaha madasha wadatashiga Qaranka, iyo xubno ka socda beesha caalamka.




From the comments