Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose waxaa lagu wadaa in maanta uu ka furmo shirka madasha wadatashiga qaranka kadib dib u dhac ku yimid waqtigii la qaban lahaa.
Waxaa magaaladaasi ku sugan madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa maamul gobaleedyada dalka, wasiirro, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka iyo xubno ka socda beesha caalamka.
Maanta oo Khamiis ah ayaa laga yaabaa in shirka Madasha Qaranka uu furmo, waxaana looga hadli doonaa arrimo la xiriira doorashooyinka sanadkaan 2016-ka ka dhici doona dalka qaabka ay noqon doonaan.




From the comments