Goobjoog

Ebola oo ka dhamaaday Galbeedka Afrika kadib markii uu salfaday 11 kun oo Qof

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa maalintii shalay ku dhawaaqay in Cudurkii Ebola uu ka dhamaaday Galbeedka Africa iyadoo ay istaagatay u tallaawigii cudurka ee dalka Liberia. Ururka waxa uu yiri:”Maanta ururka…

Ebola oo ka dhamaaday Galbeedka Afrika kadib markii uu salfaday 11 kun oo Qof
Cynthia Goldsmith This colorized transmission electron micrograph (TEM) revealed some of the ultrastructural morphology displayed by an Ebola virus virion. See PHIL 1832 for a black and white version of this image. Where is Ebola virus found in nature? The exact origin, locations, and natural habitat (known as the “natural reservoir”) of Ebola virus remain unknown. However, on the basis of available evidence and the nature of similar viruses, researchers believe that the virus is zoonotic (animal-borne) and is normally maintained in an animal host that is native to the African continent. A similar host is probably associated with Ebola-Reston which was isolated from infected cynomolgous monkeys that were imported to the United States and Italy from the Philippines. The virus is not known to be native to other continents, such as North America.

Ururka Caafimaadka Adduunka  ayaa maalintii shalay ku dhawaaqay in Cudurkii Ebola uu ka dhamaaday Galbeedka Africa iyadoo ay istaagatay u tallaawigii cudurka ee dalka Liberia.

Ururka waxa uu yiri:”Maanta ururka caafimaadka Adduunku waxa uu shaaca ka qaadayaa dhamaadka cudurka Ebola ee Liberia, waxaana carabka lagu adkeeyay in dhamaan ilihii la isugu gudbinayay cudurka galbeedka Africa uu gabi ahaamba istaagay”.

Laakiin ururka waxa uu ka digay in la is dhigto sida ay sheegayso wakaalada wararka ee France Presse, iyagoo dadka xasuusiyay in dhowr jeer oo hore cudurka lagu dhawaaqay inuu ka dhamaaday hadana la arkay isagii oo soo laba kacleyn sameeyay.

Peter Graf oo ah Agaasimaha Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee mas’uul ka uga ahaa arrimaha Ebola ayaa shir jaraa’id ka shegay :”Waa in aan digtooni ku jirnaa markasta”. Kadib markii cudurka laga ciribtiray Sierra leone 7 Novermber iyo Guinea oo la soo afjaray 29 December,Liberia waxaa lasoo afjaray shalay 14 January.

Waxaa xusid mudan in cudurkani uu galbeedka Africa lagu arkay sanadkii 2013, waxaana loo arkaa inuu yahay kii ugu darana tan iyo aqoonsiga fayruska 40 sano ka hor, iyo in ka badan 11 000 oo qof u dhinteen cudurka.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments