Badnow ayaa xilliga habeenkii ah waxaa lagu soo rogay degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose, kaasi oo lagu yareynayo isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.
Maamulka degmadaasi ayaa sheegay in bandowga uu habeenkii ka billaabanayo 7-da fiidnimo, islamarkaana ciidamo badan ay kormeer ku sameyn doonaan waddooyinka waaweyn ee degmadaasi.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka degmada Afgooye Yuusuf Maxamed oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Bandowgaan uu yahay mid socon doona habeenada soo wajahan.




From the comments