Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelcadde ee gobalka Gedo ayaa waxay sheegayaan in shacabkii ku dhaqnaa halkaasi ay billaabeen inay barakacaan kadib cabsi soo wajahday.
Dadkaan ayaa la arkayaa iyaga oo guryahooda kala baxaya agabkooda, waxaana ay aadayaan deegaanno halkaasi ku dhaw.
Mid ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanka Ceelcadde ayaa inoo sheegay inay ka baqayaan in mar kale lagu dagaallamo halkaasi maadaamada shalay Al-shabaab ay weerar ku qaadeen xero AMISOM ku lahaayeen halkaasi.




From the comments