Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee degmada Dhuusamareeb ayaa qaadacay shirka ka socda magaalada Kismaayo oo ay sheegeen in aan loo dhameyn.
Saadaq Sheekh Yuusuf oo ka mid ah mas’uuliyiinta Ahlu-sunna Waljameeca oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirka Kismaayo aysan u dhameyn dadka Soomaaliyeed, islamarkaana dadka halkaasi ku sugan qaarkood aanay madax ahayn waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Waxa ka socda magaalada Kismaayo waxba kama jira, aaya katashiga Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay, dadka isugu tagay looma dhama, Soomaaliya oo dhan ma ahan, Soomaaliya madaxdeedanna ma ahan, waxaa ka maqan dad badan oo Soomaaliya madaxdeeda ah sida dowlad gobaleedka gobalada dhexe” ayuu yiri Saadaq Sheekh.




From the comments