Wararka ka imaanaya deegaanka Injir Boodo oo duleedka ka ah deegaanka Ceelcadde ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay Askar ka tirsan ciidanka Kenya.
Askartaan la dilay oo tiradoodu lagu sheegay Afar ayaa u gacan galay Xarakada Al-shabaab xilli ay lunsanaayeen, islamarkaana ay kasoo baxsadeen weerarkii Shabaabku ku qaaday Jimcihii Xerada Ceelcadde.
Dad ku dhaw halka falkaan dilka ah uu ka dhacay ayaa xaqiijiyay in Al-shabaab ay Afartaasi Askari sidoo kale la dileen ruux Soomaali ah oo la sheegay in ciidanka Kenya uu soo dhaweeyay islamarkaana cunto iyo biyo uu siiyay.




From the comments