Wararka naga soo gaaraya gobalka Gedo ayaa waxay sheegayaan in dagaal u dhaxeeya ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah uu ka soconayo deegaan qiyaastii 30-km u jira deegaanka Ceelcadde ee gobalka Gedo.
Ciidamada Al-shabaab ayaa la sheegay in ay jidka u galeen ciidamada AMISOM, halkaasi oo hub culus la’isku adeegsanayo.
Deegaanka uu dagaalka ka socdo ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa deegaan saaka ay duqeeyeen diyaaradaha dagaalka ee Kenya.




From the comments