Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa si adag u cambaareeyey weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen fariisin ay Ciidamadda AMISOM ee ka socda dalka Kenya iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliya ku lahaayeen magaalada Ceel-cadde ee gobolka Gedo.
“Waxaan tacsi u dirayaa ehelada askartii naftooda ku waayay weerarkii Ceel-Cadde, shacabka iyo Jamhuuriyadda Kenya, ciidanka AMISOM waxa ay Soomaaliya u joogaan dib u soo celinta xasiloonida iyo nabad ku soo dabaalidda guud ahaan dalka” ayuu yiri R/Wasaare Cumar.
Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa tilmaamay weerarada ay geysanayaan Al-shabaab in Soomaaliya aysan ka weecin doonin horumarka ay gaareyso, isagoo xusay in guud ahaan dalka laga sifeyn doono waqti dhow Al-shabaab.




From the comments