Kulanka hoggaamiyayaasha Madasha Wadatashiga Qaran oo ay ka soo qaybgaleen Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Mudane Maxamad Sh. Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur-Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo Madaxweynaha Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, wasiirro ka tirsan Xukuumadda Fedaraalka ah iyo Xildhibaano Baarlamaanka Federaalka ka tirsan, wasiiro iyo xildhibaano ka socda dowlad goboleedyada iyo guddiyada hawlwadeenada iyo farsamada.
Kulankan oo lagu qabtay magaalada Kismaayo, 10-14 Janaayo 2016, waxaa uu daba socdey baaqii Muqdisho ee 16 Diseember 2015 ka soo baxay kulankii madasha wadatashiga Qaranka ee labaad.
Madaxda Qaranka iyo kuwa dowlad gobolleedyadu waxay dadaal dheer u galeen ka mira dhalinta wadaxaajoodka Kismaayo, ee xulashada qaab doorasho oo la dhaqan gelin karo 2016-ka, iyo qorshaha meelmarinta hab doorasho. Waxaay si qoto dheer uga wada hadleen sidii ay isugu waafaqi lahaayeen qaab doorasho oo wadar ogol ah, kaa soo waafaqsan Baaqii Muqdisho.




From the comments