Gudoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhaw waxay gaareen magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.
Wafdigan ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo, waxaana ulajeedka ay u tageen halkaasi tahay ka qeybgalka munaasabadda caleema saarka gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed.
Dhinaca kale magaalada Baydhaba waxaa gaaray wafdi ka kala socda maamul gobaleedyada Jubbaland iyo Galmudug, kuwaasi oo iyaguna ka qeybgali doona munaasabaddaasi.




From the comments