Hoos u dhac weyn ayaa la gadareemayaa qiimaha la kala siisto saliidda dunida kadib markii quwadaha caalamku ay ka qaadeen dalka Iran cunaqabateenno saarnaa iyadoo Iran ay isku diyaarineyso in ay ku kordhiso wax soo saarkeeda dhanka saliidda maalintii 500,000 oo Fuusto.
Roknoddin Javadi oo ah wasiir ku xigeenka dhanka shidaalka dalka Iran ayaa sheegay in Iran ay dib u soo ceshaneyso saamigeedii dhanka Suuqa ee xirmay 2012-kii.
Iran ayaa dhoofin jirtay 2.3 million oo Fuusto maalintii balse, dhoofinta saliideeda ciiriinka ah ayaa hoos ugu dhacday Hal million 2012-kii.




From the comments