Magaalada Jowhar oo dhawaan uu ka furmay shirka maamul u sameynta goballada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa hadane waxaa magaaladaasi ka socda kulamo gaar gaar ah oo looga hadlayo dhismaha maamulkani.
Wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo gaaray magaalada Jowhar ayaa billaabay inay kulamo la yeeshaan waxgaradka ku sugan degmadaasi.
Shalay oo taariikhdu ahayd 18-ka January waxaa degmada Jowhar gaaray wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya waxaana socdaalkiisa ku wehlinayay wasiirka Amniga Qaranka, wasiirka Macdanta iyo Batroolka, wasiirka Ciyaaraha iyo Dhallinyarada, waxaana halkaasi horay usii joogay wasiirro uu ka mid yahay Kalluumeysiga.




From the comments