Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo dhanka Galmudug ayaa dhaliilay qaabka loo xulayo golaha deegaanka magaaladaasi.
Shacabkani qaarkood oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in la afduubay hanaanka wax loo soo xulayo, islamarkaana ay haboon tahay in loo daayo maamulka Galmudug.
Axmed Nuur Daad oo ka mid ah Odayaasha Gaalkacyo ayaa sheegay inay diidan yihiin in dad gaar ah ay is lahaysiiyaan xulista golaha deegaanka, kuna baaqay in la qaato ammarka madaxweynaha Galmudug oo ah in la joojiyo xulista xubnahaasi inta uu kaga laabanayo Gaalkacyo.




From the comments