Cabdi Xasan Maxamed oo ah gudoomiyaha degmada Ceelbuur ee gobalka Galgduud ayaa sheegay in deegaanka Ceelshiil ee hoos dhaca degmadaasi ay ka barakaceen dadkii ku noolaa kadib markii ay hanjbaad kala kulmeen Xarakada Al-shabaab oo ku sugan deegaanno ka mid ah bariga gobalkaasi.
Waxa uu tilmaamay in dadkaasi ay tageen deegaanno kale oo ka dhaw deegaankaasi, islamarkaana dadkaasi ay haysato xaalad adag oo nolosha ah, uguna daran tahay guryo ay degaan, biyo nadiif ah, dawo iyo waxbarasho.
“Shacab badan baa ka cararay deegaanka Ceelshiil oo ka mid ah deegaanada hoosyimaada degmada Ceelbuur, Al-shabaab ayaa dadkii dhan taleefanno kasoo wacday u dhaartay uguna hanjabay inay dili doonaan, dadkii dhamaa wey kala carareen, waxay tageen deegaanno aanay dad kale uga horeen, wadooyinka ayeey deggan yihiin, waxaa ku dhacaysa cadceedda maalintaa, dhaxantana sidoo kale” ayuu yiri gudoomiyaha.




From the comments