Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carteh, waxaana kulankan looga hadlay qodobo kala duwan oo ay ka mid aheyd weerarkii kooxaha argagixisadu ku qaadeen degaanka Ceel-cadde oo ka tirsan gobolka Gedo, halkaasoo fariisin u aheyd ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Nabad illaalinta ee AMISOM.
Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyntii warbixin ka dhegeystay Wasiirada Amniga oo faah faahino ka siisay weerarkii kooxaha argagixisadu la beegsadeen goob fariisin u aheyd ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka nabad illaalinta ee AMISOM, halkaasoo ay waxyeelo dhimasho iyo dhaawacba leh ka soo gaartay.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa tacsi u diray dowladda iyo shacabka Kenya, isaga oo uga tacsiyadeeyey dhimashada Askarta, waxa uuna ku ammaanay dowladda Kenya garab istaageeda.



From the comments