Marxaladihii Kala Duwanaa Ee Uu Soomaray Afka Soomaaliga

Dal walbo dunida ku yaalla waxyaabaha uu ku faano waxaa ka mid Horumarinta afkooda hooyo si ay dunida u fahansiiyaan muhiimadda uu leeyahay afkooda iyo dhaqankooda.
Marka aad joogto dalka madax ilaa iyo shacabka waxa ay qaar badan oo ka mid ah adeegsadaan luqad aanan ahayn midooda.
Qorista iyo hergalinta farta Soomaaliga ayaa soo martay marxalado badan iyada oo in kabadan 800 boqol oo sano ay soo socotay Hirgalinta afka Somaaliga maadaama Soomaalidu xilgaa ku hadli jreyn afafka carabiga talyaaniga iyo ingiriska si ay u yeeshaan af iyaga u gaar ah ayaa dadaal loo galay,
Muwaadiniin iyo aqoonyahano Soomaali ah ayaa u kacay in dadka ay u sameeyan luuqad ka duwan midi horay loo adeegsan jiray iyada oo is qabqabsi balaaran uu soo kala dhaxgalay aqoonyahanada ku howlanaa sameynta afka soomaaliga
Si loo harumariyo afka Soomaaliga waxaa la furay hay’adda akadeemiyada dhaqanka sandaka marka uu ahaa 1972 waxaana loo aas aasay sidii looqori lahaa loona hirgalin lahaa afsomaliga waxaana la magacaabay guddi u gaar ah afka Soomaaliga.
Waxaa akadeemiyadda dhaqanka loo badalay sanadka markuu ahaa 1979 akaademiyada fanka iyo cilmiga suugaanta iyada oo dowlladii xiligaa jirtay ay aragtay shaqada ay qabaty akadeemiyada dhaqanka
Aqoonyahan Cabdi Xaaji Goobdoon oo ka mid ahaa Guddigii ay dowladda u xil saartay saxid qoraalka iyo ku hadalka afka Soomaaliga ee olalaha horumarinta reer miyaga ayaa ka sheekeenaya taariikhihii uu soo maray afka Soomaaliga
“Sababtoo ah xiligaa waxaa dhibaato weyn aheyd af iyo qoraal laanta dalka iyag oo lagu shaqeenayay afafka Gumeestaha waxaana laqoray 21 jun 1972 si dalka uu loogu helo waxaa la hirgaliyay qoraalka farta Soomaaliga 1973 iyada oo ay dowlada dhamaan ku amartay shaqaalahayda in ay bartaan qorista farata Soomaaliga “
Maxamed Saciid Cabdi oo ka mid barayaasha wax ka dhigay jaamacadda ummadda ayaa Goobjoog uga sheekeeyay wax yaabaha Hoos u dhigay afka Soomaaliga.
“shirar badan oo dunida ugu qeyb galaya waxa la igu yiri maxaa idinka hortaagan Hormarinta afkiina taa waan ka Gubtay “
“waayo waxyaabaha hoos u dhigay Hodontinimada afka waxaa ka mid ah Goobaha ganacsiga oo lagu qoro afka Soomaaliga “
Dadka lagu xasuusto in ay kaalin wanaagsan ka qaateen soo hindisidda afka Soomaaliga waxaa ka mid aha Allaha u naxriiste Sheekh Yuusuf Alkowneyn oo guud ahaan gobollada u tagay sidii uu dalka u yeelan lahaa luuqad gooni u ah iyada oo ay jiraan shaqsiyaad kale oo iyana lagu xasuusto in ay wadeen hirgalinta afka Soomaaliga.
Waxaan marka ay dalka qabsadeen Gumeestihii talyaaniga iyo ingiriiska 1884 ay qasab ku noqotay barashada Afka Soomaaliga gumeestayaasha si ay u sahlanaato in dalka in ay gumeystaan dareemayna baahida arrintaan loo qabo.
Qaamuuskii ugu horeeyay sax ahaa waxaa la sameeyay 1933 waxaana ka horeeyay qaamuus kale oo ka koobnaa Soomaali iyo English isna la sameeyay 1839
1920 ayaa u suurta gashay Alllaha u naxariistee Cismaan Keena -diid in Afsoomaliga lagu qoro iyada oo la adeegsanayo latiini .
Marka la eego xaaladaha uu soomaray Afka Soomaaliga iyo sida hadda Loo adeegsanayo waxaa u dhaxeeya farqi weyn iyada oo Goobaha waxbarashada heer hoose illaa iyo heer jaamacadeed lagu dhigto luqado aan ahayn afkeena Soomaaliga .
Agaasimaha waaxda dugsiyada wasaarada waxbarashada ee xukuumadda faderaalka Soomaaliya Maxamed Cilmi Tooxow ayaa weydiiyay waxa ka hortaagan in wasaaradda waxbarshada dhammaan dugsiyada dalka lagu dhigo afka Soomaaliga.
“Afka Soomaaliga waxa uu soo maray maraxlado kala duwan annaga maraakaanu nahay wasaaradda waxbarashada waxaan qorsheeneynaa in aan dalka oo idil ka hirgallinno manhaj dhameestiran si aan dib ugu soo cellinno in Goobaha waxbarashada dalka loogu dhigo afka Soomaaliga ”
21 january 2015 waxa uu madaxweynaha Soomaaliya ammar ku bixiyay isaga oo ka qeybgalaya munaasabadda lagu xusayey 42 guuradii kasoo wareegtay marka la qoray lana hirgaliyay afka Soomaaliga in xafiisyada dowladda dhammaan warqadaha kasoo baxo in lagu qoro afka Soomaaliga balse ma ayan hirgalin.
“ku hadalka afkeenna waa muhiim waxaan ku amrayaa shaqaaalaha Dowladda in maanta laga billaabo warqadaha Gudaha ay adeegsanayaan xafiisyada dowladda ay ku baxaan afka Soomaaliga si aan kor ugu qaadno tayada uu lahaa afkeenna hooyo ”
si loo tayeeyo Korna loogu qaado afka Soomaaliga iyo qoristiisa ayaa qoraa sare Cabdiqaadir Nuur Xuseen Maax waxa uu ku talinayaa in Soomaalida ay fahmaan hodontinimada afka Soomaaliga.
“Waxaa lagu Hormarin karaa Afkeena i muwaadiniintu ay fahmaan Hodontinimada afka Soomaaliga dadakuna warqadaha shaqadane ay ku qoraan farta soomaaliga shirkadaha ajnabibiga ahna ay dareensiiyaan Hodontinimada afka Soomaaliga “.
W/Q: Ibraahim Xaaji Yuusuf
Goobjoog News