U bood dhigaalka

Ugu Yaraan 20 Qof Oo Ku Geriyootay Weerarkii Lagu Qaaday Liido

Sheeko:Dalka

Rag hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa waxay weerar isugu jira qaraxyo iyo rasaas toos ah ku qaadeen maqaayaddo ku yaalla Xebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Dadka ayaa markii hore waxay la kulmeen rasaas xooggan oo dhanka Xeebta kaga soo dhaceysay, iyadoo dadka markii ay dhanka banaanka ee laamiga u carareen hadane ay la kulmeen Qaraxyo gaadiid lagu xiray oo is barbar socday.

Inta la xaqiijiyay waxaa halkaasi ku dhintay ugu yraan 20 qof oo shacab ah, iyadoo dhaawac intaasi ka bandanna uu jiro.

Raggii hubeysnaa ayaa gudaha u galay maqaayadaha, waxaana la sheegay in dad shacab ah ay halkaasi ku dileen, xilli maqaayadaha ay aad u buuxeen shacab u badan Haween iyo caruur.

Ciidamada dowladda ayaa howlgal qaatay saacado badan waxay ka sameeyeen halkaasi iyaga oo la dagaallamay raggii hubeysnaa ee weerarka kusoo qaaday halkaasi.

Wasiirka Amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa xaqiijiyay geerida dadka shacbka ah, waxaana sidoo kale uu sheegay in la dilay Afar qof oo ka mid ahaa dableydii weerarka qaadday sidoo kalena nolosha lagu hayo shaqsi la sheegay inuu lahaa abaabulka weerarkan horayna hay’adaha amniga u baadi goobayeen.

Xaaladda guud ee Liido saaka waa mid deggan, iyadoo mas’uuliyadda weerarkaasi ay sheegteen Xarakada Al-shabaab.

Goobjoog News