Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo ka hadashay weerarkii habeen kahor Al-shabaab ku qaadeen Liido Sea Food ayaa cambaareeyay falkaasi, iyaga oo sheegay in dhacdadani ay ahayd wax aad looga xumaado.
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah gudoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in weerarkaasi aanu wax sal ah ku lahayn Islaamka islamarkaana ay xaaraam tahay in la baneysto dhiigga dadka shacabka ah.
“Waxay rabeen inay xasuuq ka geystaan halkaasi, diinteena ma qabto in argagax la geliyo dadka, in la laayo shacab muslim ah oo aan waxba galabsan waliba iyaga iyo caruurtooda” ayuu yiri Sheekh Bashiir.




From the comments