Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya gaar ahaan kuwa kasoo jeeda isbahaysiga mucaaradka ayaa ku baaqay in ciidankooda laga saaro gudaha Soomaaliya.
Waxay xildhibaanadaan dowladooda ku booriyeen inay aqbasho codsiyada kaga imaanaya qaar badan oo ka mid ah bulshada Kenyanka ah, gaar ahaan ehlada askartooda ku geeriyootay weerarkii Al-shabaab ay dhawaan ku qaadeen deegaanka Ceelcadde ee gobalka Gedo.
Qaar ka mid ah xildhibaanadaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka Kenya ee jooga Soomaaliya loo baahan yahay in dalkooda dib loogu celiyo.




From the comments