Diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ayaa maanta duqeyn ka fuliyay deegaanno ka mid ah gobalka Gedo, halkaasi oo khasaare uu ka dhashay.
Wararka ay helayso Goobjoog News ayaa waxay sheegayaan in diyaaradahaan ay dhowr gantaal ku dhufteen deegaannada Daar Macallin iyo Cabdi Afeey kuwaasi oo ku dhaw degmada Baadrheere ee Gedo.
Qoysas xoolo dhaqato ah iyo xoolahoodii ayeey waxyeello kasoo gaartay duqeyntaan, illaa iyo haatanna lama oga khasaaraha guud inta uu la egyahay.




From the comments