Shacabka ku dhaqan deegaanka Ceelguulle ee gobalka Mudug ayaa cabasho ballaaran ka muujinaya cayayaan la sheegay in uu dadka halis ku yahay naftooda, ayna jiraan dad u dhintay.
Gudoomiyaha deegaankaasi Maxamed Jaamac Diirshe oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ay jiraan bahallo yar yar oo dadka qaniinaya, islamarkaana inta aan Isbitaalka lasoo gaarsiin qofka la qaniinay uu dhimanayo.
“Deegaanku waa mid ballaaran oo tuulooyin ka hareereysan, bahallo ayaa jira maalmahaan dambe oo dadka qaniinaya inta aan qofka Isbitaalka lasoo gaarsiin uu dhimanayo” ayuu yiri gudoomiyaha.




From the comments