Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo wafdi uu hogaaminayo ay magaalada Baqdaad uga qeybgaleen shirka Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka ayaa kulammo gaar gaar ah la qaatay Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka Turkey, Iraq iyo Pakistan.
Kulankii ugu horeeyey ayuu Guddoomiyaha Baarlamaanka la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Pakistan Sardar Ayaz Sadiq ayadoo kulankaasina looga wada hadlay abuuridda iskaashi iyo xiriir wada shaqeyn oo dhex mara labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Pakistan iyo adkeynta danaha Baarlamaannada dunida muslimka ayadoo labada Guddoomiyena ay taasi qalinka ku wada duugeen.
Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa kulan gaar ah oo ku saabsan xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga Baarlamaannada mataannaha ah ee Soomaaliya iyo Tukriga la qaatay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Turkiga ee isagu la doortay dhammaadka sanadkii tagay ee 2015 İsmail Kahraman waxaana kulankaasi looga wada hadlay xoojinta shaqada guddiyada labada Baarlamaan u qaabishan saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Turkiga iyo in la dedejiyo dhismaha gurriga Umadda Soomaaliyeed kaasi oo ay horey u ballan qaaday dowladda Turkiga.




From the comments