Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in reer Jubbaland ay wax badan ka sugayeen shirka madasha, isagoo intaa raaciyay in arrinta laga tashanayey uu ahaa mid ay ku jirtay maslaxadda umadda.
Axmed Madoobe waxaa uu carabka ku dhiftay in ay Jubbaland gogol dhigtay isla markaana madaxdii hogaamiyeyaasha ay ku guul-dareysteen in ay heshiiyaan isagoo sababta ku sheegay in aan asalka laga hadlin ee qof walbo oo ka hadlay arrin deegaankiisa soo qoreen ama rabaan.
Madoobe waxaa uu sidoo kale soo qaaday in shirka Muqdisho ay aheyd mid ay u yeereen beesha caalamka, natiijada shirka ka soo baxayna ay aheyd mid ay soo jeediyeen dowladda federaalka ah iyo beesha caalamka ay ku raacday.




From the comments