Daraasadda oo ay sameysay Hey’adda Tubta Nabadda Soomaaliyeed, ayaa waxay ku saabsan tahay qaabka ay Haweenka Soomaaliyeed uga Qeyb galaan Maamulada Gobolka Banaadir.
Daraasadda ayaa socotay sanadkii 2015ka oo dhan waxaana laga sameeyey 17ka Degmo ee Gobolka Banaadir.
Ujeeddada Laga Lahaa ayaa ahaa in la ogaado Haweenku saameynta ay ku leeyihiin Maamulada Ka jira deegaanada Gobolka Banaadir iyo Awoodaha ay ku leeyihiin Go’aan Gaarista iyo sidoo kale Sida ay uga shaqeeyaan degmooyinka iyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan.




From the comments