Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxda Midowga Afrika u sheegay in Soomaaliya ay ku tallaabsatey horumar la taaban karo ee dhinaca siyaasadda iyo dib u heshiisiinta, dalkana ay sannadkana ka dhacayaan doorashooyin markii ugu horeysay muddo haatan laga joogo 47 sanno.
Madaxweynaha oo maanta khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka 26-aad ee Midowga Afrika ayaa sheegay in guulaha ay Soomaaliya ku tallaabsatey ay ka dhasheen biseylka Soomaalida eek u aaddan inay waddankooda dib u dhistaan, kana xoroobaan colaadaha iyo kala qeybsanaanta.
“Waxaan sidoo kale u mahad celinayaa beesha caalamka oo gacan muuqata ka geysatey in Soomaaliya ay ka soo gudubto xilliyadii adkaa. Ciidammada AMISOM ayaan si gaar ah u xusaya doorka ay ka qaateen taageerada Soomaaliya, iyadoo ciidan isugu jira rag iyo dumar kana tirsan AMISOM ay naftooda u hureen sidii Soomaaliya loo nabadeyn lahaa. Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan dalalka ay ciidammada kaga dhinteen Soomaaliya, gaar ahaan dhacdadii xanuunka badneyn ee loo geystey ciidanka Kenya oo dalkeena u jooga inay na gacan qabtaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.




From the comments