Taliska Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowlada Federaalka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay jiritaanka wararka la xiriira in dadka Soomaaliyeed, caqabad xoogan ay kala kulaam helidda Baasboorka.
Taliyaha Waxdaas Cabdilaahi Gaafoow Maxamuud oo Goobjoog News wareysi siiyay ayaa sheegay in isaga uusan ka war hayn warka ku saabsan eedeymaha loo jeedinayo Taliska Waaxda isla markaana si laaluusha ah lagu helo Baasboorka Soomaaliyeed.
Waxa uu sheegay in aysan jirin shaqale ka tirsan Waaxda Socdaalka oo si laaluush ah ku bixiya helida Baasboorka, isla markaana mar kasta ay diyaar u yihiin in qof kasta oo Soomaalia ah si fudud uu ku helo Baasboorka.




From the comments