Howlgal lagu soo qabqabtay in ku dhow 100 qof ayaa ciidanka dowladda ay ka sameeyeen degmada Baardheere.
Sheeko:Dalka
Howlgalladan ayey ciidamada waxay billaabeen markii degmadaasi lagu dhaawacay guddoomiyihii maxkamadda ee degmada Baardheere.
Maamulka Baardheere ayaa laga soo xigtay in dadka la qabqabtay lagu hayo saldhigga degmada oo ay marayaan baaritaanno kala duwan, si loo ogaado dambiilayaasha
Dadka ku nool degmadaas ayaa sheegay in howlgaladan saamayn ay ku yeelatay dadka halkaas ku nool markii inta badan albaabada loo laabay goobaha adeegyada bulshada.
Si kasta Maamulka degmada ayaa sheegaya in ay ka go’an tahay in gacanta ay ku soo dhigaan dadkii ka danbeyay dhawaca degmada Baardheere loogu gaystay gudoomiyaha Maxkamada degmada.
Goobjoog News