Axmed Madoobe oo sheegay in Jubbaland isu diyaarineyso Howlgal Ciidan
Sheeko:Dalka

Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Ciidamadaas ay qaadi doonaan talaabooyinka Degaanada Goboladaas ay kaga saarayaan Al Shabaab.
Madaxwaynaha Maaamulkaas Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid mudo la dejinayay isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan ay u taabi galin doonaan.
Axmed Madoobe ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka qayb galay munasabad tababar loogu soo xirayay Ciidamo ka tirsan Maamulkaas
Madoobe waxaa uu sheegay in uu soo dhaweysnayo gacansiinta AMISOM balse ay ka go’ab tahay in ay isku tashtaan ciidan ahaan.
Goobjoog News