Dad Lagu soo qabtay Howlgallo laga sameeyay Afgooye
Sheeko:Dalka

Maamulka Dagmada afgooye ee gobalka shabeelada hoose ayaa sheegay in ciidamada amaanka dagmadaasi ay wadaan howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka dagmada
Gudoomiyaha dhanka amaanka dagmadaas Yuusuf Maxmed Moordow ayaa sheegay in howlgada ugu badan in ay ka sameeyeen wadooyin badan ooka mid ah kuwa isku xira dagmada afgooye iyo deegaanada hoos yimaada
Waxa uu sheegay gudoomiyaha in baaritaanadii ciidamada ay sameeyeen xalay ilaa iyo saakay lagu soo qabtay dad gaaraya ilaa iyo todobo.
Waxa uu xusay Gudoomiye ku xigeenkan in dadka ay soo qab qabteen ay u soo gudbiyeen xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho
Goobjoog News