Dilal ka dhacay Marka oo la baarayo
Sheeko:Dalka

Maamulka Magaalada Marka ee Sh.Hoose ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan ku aadan Ogaanshaha dilal ka dhacay Magaaladaas labadii habeen ee la soo dhaafay.
Gudoomiyaha Magaalada marka Xasan Cumar Macalin ayaa sheegay in magaalada lagu arkay maydka qof rayid ah oo rasaas ay ka muuqato.
Waxa uu Gudoomiyaha sheegay in Taliska Booliska iyo kan Militriga ay ku howlan yihiin in marxuumka la dilay la aqoonsado
Goobjoog News