Dowladda Kenya ayaa gawaari gargaar cunno ahi u sidday gudaha Soomaaliya ku xayirtay dalkeeda, gawaaridan ayaa la sheegayaa in ay u socdeen gobolka Gedo.
Odayaasha Baladxaawo oo Goobjoog News la hadlay ayaa sheegay in dowladda Kenya ay Mandheera ku qabsatay baabuur u rarnaa hay’ado samafal ah raashinkaasi oo loo waday dadka ku nool degmada Doolow ee Gedo.
Odayaasha ayaa intaa ku daray in Kenya ay baabuurtaasi ku heysato Mandheera isla markaana ay sheegtay in ay u rarnaayeen Xarakada Alshabaab.




From the comments