Afar qof oo Soomaali ah ayaa lagu xukumay magaalada Mandhera kadib markii lagu helay in ay wateen warqado socdaal been abuur ah, iyagoo rabay in ay ku galaan magalada Nairobi.
Soomaalidan ayaa lagu qabtay gudaha Airporka magaalada Mandheera oo ah magaalo ku taalla xadka Soomaaliya iyo Kenya inta aanay u safrin Nairobi.
Afartan qof oo magacyadooda lagu sheegay Sakariye Abdullah Ahmed, Abdikadir Sharrif Abdinoor, Ubah Abdirahman Hassan iyo Fadumo Anshur Mohamed ayaa lagu ganaaxay lacag dhan $5500 ama toban sano oo xarig ah.




From the comments