Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka qeylo dhaamiyay abaar ka jirta deegaanno ka mid ah Puntland, waxaana uu beesha caalamka ka codsaday inay gargaar la soo gaaraan deegaannadu abaartu ku dhufatay.
Gaas ayaa kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe in ka badan 30 hay’adood oo isugu jira kuwo caalami ah iyo kuwo maxalli ah kuwaas oo dhammaantood ka hawlgala Puntland.
Madaxweynaha ayaa hay’adahaasi waxaa uu kala hadlay xaaladda abaaraha ee ka jirta Puntland iyo sidii wax looga qaban lahaa maadaama uu jiro dhaqaale badan oo magaca Soomaaliya lagu soo qaadoo kaas oo lasoo marsiiyo hay’adaha gargaarka balse aan intiisa badan dhaqaalahaasi lagu bixin meelihii loogu talo galay waa sida uu hadalka u dhigaye.




From the comments