Warbixinta Ganacsiga Billaha Ah Ee Goobjoog (January 2016)

Tani waa warbixin bileedkii ganacsi ee Goobjoog FM aad bil kasta uga barateen iney soo gudbiso, warbixintan ayaan diiradda ku saarnaa dhaqdhaqaaqa ganacsiga bil walba koror iyo hoos u dhac wixii ku yimaada, gaar ahaan sarifka lacagaha qalaad sida uu ahaa iyo isbedbedelka ku dhacay sarifka lacagaha ma daganayaasha loo yaqaan.
Waxaan had iyo jeer xog aruurintan xoogga ku saarnaa sarifka lacagaha madaganayaasha ee loogu isticmaalka badan yahay suuqyada adduunka gaar ahaan dalkeena, sida Doolarka, Bownka, Yuuraha, Dirhamka, Riyaalka Sacuudiga, Birta Itoobiya, Shillinka Kenya iyo Shillin Soomaaliga.
Si kastaba xog aruurinta sarifka lacagaha qalaad ee aan kor ku xusnay waxay daaha ka rogeysaa isbedbedelka laga dareemay lacagaha madaganayaasha ah marka loo eego heerarkooda qabashada iyo bixinta .
Haddaba, bishii tagtay ee 1’aad, diyaarinta warbixinta waxaa lagu saleeyay xogo laga soo uruuriyay dhaqdhaqaaqa suuqyada magaalada Muqdisho ku yaala, dabadeed xog aruurintaan soo bandhigideeda waxaa lagu muujiyay shax garaafeed kala tusmeeya tirada. Sidey ugu fududaato qof walba fahamkeeda bishii tagtay isbedbedelka ku dhacay qiimaha sarifka lacagaha qalaad, taasoo aan si gaara ugu eegi doono qoraalka soo socda qiimaha lacag walba la sarifay iyo jaantuskeeda.
1.1 Doolarka Maraykan iyo Lacagta shilinka soomaaliga: Sosh/$(100).
Doolarka Maraykanka ayaa ah Lacagta loogu adeegsiga badan yahay guud ahaan Soomaaliya, inta badan, Doolarkuna waa kan haga dhaqdhaqaaqa ganacsiga Soomaaliya oo sidoo kalana jaan-gooya qiimaha lacag kastoo qalaad lagu sarifo suuqyada caasimada Muqdisho. Haddaba, horaantii bishii 1’aad ee sanadkan 2016 Suuqayada lagu sarifo lacagaha qalaad ee magaalada Muqdisho isbedel xoogan ayaa laga dareemay horaantii bishaas $100 waxa uu ku furmay qabashada gacanta hore 2,285,000 Sosh oo heerka qabashada ah iyadoo lagu bixinayay gacanta labaad 2,290,000 Sh.So, Markii la soo gaaray Bartimihii bisha ayuu sameeyay dhaqaaq ballaaran iyadoo xilligaasi uu gaaray heerka qabashada 2,300,000 Sh.Som iyo 2,310,000 Sh.So heerka bixinta. Bisha 20 keedii ayuu xoogaa soo hoobtay, isagoo maalmahaasi kulaalayay 2,290,000 oo heerka qabashada ah iyo 2,295,00 oo heerka bixinta ah.
Ugu danbeyntiina, waxa uu ku soo xirmay 2,285,000 oo gacan hore ah iyo 2,290,000 Sh. So. Sida aad uga Jeedaan jaantuska hoos ka muuqda .
1.2 Bownka iyo Doolarka $/£ (100).
Lacagta bownka waa mid ka mid ah afarta lacagood ee ugu saameynta badan suuqyada dunida islamarkaana qiima ahaan ugu qaalisan , inkastoo laga leeyahay dalka Ingiriiska hadana waxay ka mid tahay lacagaha qalaad ee lagu sarifo suuqyada magaalada Mugadisho .
Bishii 1’aad ee sanadkan cusub ee 2016 lacagta bownka sida doolar oo kale isbedel ayaa soo foodsaaray, suuqyada lacagaha lagu bedelo £100 horaantii bishii na dhaaftay waxa uu waaga ugu baryey $146 /£100 oo gacan hore iyo gacan danbe ah $147/£100, hayeeshee bartamihii bisha ayuu isbedel aan buurneyn muujiyay xilligaasina waxa uu ahaa $143/ £100 heerka qabashada halka heer bixineedkuna ahaa $144/£100 .
Gunaanadkii bisha waxa uu ku soo xirmay $146/£100 iyo $147/ £100 sida aad ka dheehan kartaan Jaantuska 1.2 ee hoos ku xardhan.
.
- Yuuraha iyo Doolar USA/EURO (100).
Lacagta Yuuraha waa lacagta ay ku mideysanyihiin in yar mooyee guud ahaan waddamada qaaradda yurub dhaca, isla markaana waxay ka mid tahay lacagaha ugu qaalisan dunida qiimo ahaan.
Yuuraha hadana waxay ka mid tahay lacagaha lagu kala bedesho suuqyada Muqdisho inkastoo aanay saameyn xoogan u laheyn sida doolarka oo kale.
Haddii aan dib u qooraansado isbedbedelkii ku yimid lacagta yuuraha bishii Jannaayo, 2016 waxaa ku yimid isbedel aan la dhayalsan karin.
Horraantii bishii Jannaayo, wuxuu €100 ahaa heerka qabashada gacanta hore $105/ € 100 halka heerka bixinta uu ka ahaa $106 / € 100. Hase yeeshee, Mar qura ayay koror sameysay iyadoo markaas ay heerka qabasha ay aheyd $103/€100, iyo $104/€100 oo ah heerka bixinta ah, hase ahaatee markii la soo gaaray 11 kii lacagta yuuraha ah qiimo ayay ka yeelatay suuyada lagu sarifo lacagaha qalaad markaasina waxay heerka qabashada tiigsatay $105/€100 halka heerka bixintana ay gaartay $106/€100 ragga lacagaha ku bedela suuqyada Muqdisho waxay taasi la xariiriyeen isbedel xilligaasi soo wajahay lacagta doolarka.
Tan iyo dhammaadkii bishaasi isbedel joogta ah ayaa lacagtaasi laga soo warinayay sida aad jaantuska uga jeedaan. Ugu danbayntii Maalmihii ugu danbeeyay Suuqyada Muqdisho lacagta yuuraha waxay ku soo xirantay $104/€100 iyo $105/€100 oo hareerka kale duwan ah .
1.4 BIRTA ITOOBIYA IYO DOOLARKA $/ETB (100).
Birta itoobiya waa mid ka mid ah lacagaha ugu qadiimisan ee laga isticmaalo qaaradda afrika , bishii Jannaayo isbedel kooban ayaa soo wajahay .
1.5 RIYAALKA SACUUDIGA IYO DOOLAR (USD/SAR).
Lacagta Riyaalka sacuudiga waxay ka mid tahay lacagaha laga adeegsado dunida carabta gaar ahaana waddanka Sacuudi Carabiya islamarkaasna lagu sarifo suuqyada sarifka magaalada Muqdisho.
Bishii Jannaayo isbedel la tilmaami karo ayaa lacagtaasi oo ka mid ah lacagaha salka adag leh soo foodsaaray Si aad ka dheehanaysaan Sawirka hoos ka muuqda .
1.6 Kenya Shillin iyo Doolarka Maraykanka ( $/KSH) (1000).
Kenya shillin oo ah lacagta dalka kenya laga adeegsado islamarkaana lagu sarifo suuqyada Muqdisho ayaa bishii ina soo dhaaftay iyana isbedel laga dareemay .
.
1.7 Dirham iyo Doolarka USD/UED(100).
Dirhamka oo ah mid ka mid ah lacagaha laga isticmaalo dalalka carabta bishii tagtay qeyb ahaan isbedel ayaa ka muuqanayay taasi waxaan ula jeedaa heerka bixinta inaba wax isbedel ah ma jirin laakiin heerka bixinta ayaa is rog-rogayay .
Waxa diyaariayay ; – Tifaftiraha Wararka Ganaciga GoobjoogNews
Cabdiwali Jaamac Barre [email protected]